Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku wajahan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.
Gudoomiye Jawaari ayaa qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo waxaa laga dareemayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gob0lka Sh/Dhexe.
Jawaari ayaa ka qeybgali doono munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Xildhibaanada oo shalay la xareeyay ayaa lagu wadaa in maanta la dhaariyo waxaana jadwalka uu yahay in ay bari doortaan Gudoomiye Baarlamaan iyo ku xigeenadiisa waxaana xigi doonto Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.
Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa iminka la da dajinayaa waxaan cabasho ka soo yeereeysaa Shacabka labada Gobol ee Maamulka loo sameeyo waa Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post- Muqdisho-So
The post Gudoomiye Jawaari oo Jowhar ku Wajahan appeared first on Puntland Post.