Waxaa shalay magaalada Saint Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka dhacay banaanbax ay bulshooyinka halaasi ku nool oo ay Soomaaliduna ku jirto ku muujiyeen midnimadooda.
Bannaanbaxa ayaa ka danbeeyey kadib marki uu dhawaan wiil ka tirsanaa bulshada Soomaalida Magaaladaasi ku nool uu Midi ku weeraray dad ku sugnaa meel laga dukaameysto, ka hor inta uusan dilin askari dhar cad ah.
Bannaanbax yaasha ayaa xirnaa funaanado isu eg ,kuwaas oo ay ku qornaayeen oraahda “Midnimo” oo dhowr luuqadood ah.
Hoggaamiyasha dadkiii bannaanbaxa sameeyay oo isugu jiray madow iyo caddaan islamarkaana socod dheer soo maray ayaa goobtii la isugu yimid ku duceeyay, waxayna ilaahay ka baryeen midnimo bulshada dhexdeeda ah.
PUNTLAND POST
The post Banaanbax Ka Dhacay Magaalada St. Cloud ee dalka Mareykanka appeared first on Puntland Post.