Inta la xaqiijiyay 140 ruux oo ka mid ahaa dad ka qaybgalaayay tacsi ka socotay dalka Yemen ayaa geeriyooday kadib markii goobtii ay ku sugnaayeen ay duqeysay diyaarad.
Duqeyntaan ayaa la sheegay inay geysteen Diyaaradaha dagaalka Isbaheysiga uu Sacuudiga Hogaamiyo, waxaana dadka Duqeynta lagu garaacay ay ku sugnaayeen Madal ay ka socotay Tacsi.
Balse, Sucuudiga iyo isbeheysigiisa ayaa beeniyay in diyaaradohooda ay duqeeyeen goobta ay tacsida ka socotay.
Wasiir ka tirsan Xukuumadda Yemen oo Aabihii uu geeriyooday tacsi loo dhigaayay ayey ka qaybgalayeen dadkaasi, kuwaasi oo mar kaliya la kulmay Duqeyn culus oo ay geysteen Diyaarado dagaal.
Sidoo kale Shaqaalaha caafimaadka ee Dalka Yemen ayaa si weyn uga carooday tirada intaasi la eeg ee dadka ah ee Duqeynta lagu laayay.
PUNTLAND POST
The post in ku Dhow 150 Ruux oo ku dhimatay Duqeyn ka Dhacday Yemem appeared first on Puntland Post.