Gaalkacyo (Puntland Post):- Kulan ay maanta isugu yimaadeen Gaalkacyo Odoyaal iyo Waxgarad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa looga hadlay sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen Nabadgalyada iyo ku wada noolaaanshaha magaalada Gaalkacyo oo maalmo ka hor iska hor,imaad uu ku dhex maray ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug
Shirka Odoyaasha oo ka dhacay goob xarun ganacsiya oo bakhaar ah ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay sidii loo joojin lahaa iska hor,imaadyo goos goos ah oo dad dhul isku haysta ku dhexmarayay maalmihii u danbeeyay galbeedka magaalladda Gaalkacyo.
Isimada iyo Nabadoonada ayaa Shirkooda ka dib Warbaahinta la hadlay, waxayna sheegeen inay isku afgarteen qodobo u baahan in deg deg loo dhaqan geliyo.
Waxaa ka mid ah qodobadda :
1- In la joojiyo rasaasta ay is wiidaarsanayaan clabada dhinac
2- In la kala fogeeyo Ciidamada is hor fadhiya
3- In la sii wado wada hadalka nabad-gelyada looga hadlayo
Imaam Cabdiwahaab Maxamuud Gurey iyo Nabadoon Khaliif Cabdi Dhalac ayaa sharaxay qodobada ay ku heshiiyeen iyo talaabooyinka ay qaadayaan, waxayna maanta ku heshiiyeen in marka horre xabad joojin iyo ciidamo kala qaadis la sameeyo sidoo kale berri ay booqdaan goobihii maalmo ka hor lagu dagaalamay.
Dhagayso baaqa Odoyaasha:-
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Odoyaal baaq maanta kasoo saaray Nabadda Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.