
Garowe(Puntland Post)-Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ah ku-xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya, kana mid ahaa xubnihii uu dhawaan Madaxweynaha Puntland usoo sharaxay inay u tartamaan xubnaha Puntland u mateli doona aqalka sare ayaa ka dhoofay Puntland.
Illo lagu kalsoonaan karo ayaa Warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyey inuu Mahad maalinimadii Axada diyaarad ka raacay Magaalada Garowe, xili la sugaayey in dhawaan Baarlamaanka Puntland cod u qaado xubnaha kamid noqonaaya aqalka sare ee Baarlamaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa u qoondeeyey inuu Mahad Cabdalla Cawad aqalka sare kula tartamo labba xubnood oo kale oo uu kamid yahay General Maxamed Saciid Xirsi(Morgan) lamana garanaayo waxa sababay in Mudane Cawad isaga tago Garowe iyadoo weli uusan Baarlamaanku kala saarin xubnaha aqalka sare, waxaase loo badinayaa inuu ka xumaaday sida la isugu aadiyey xubnaha tartamaaya.
Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kamid ahaa xubnaha Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday ee u dhaq-dhaqaaqi jiray arimaha Puntland, wuxuuna Mudanahani kasoo jeedaa Degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug oo sanadii 2012 kusoo biirtay degaanada Puntland.
PUNTLAND POST
The post Mahad Cabdalla Cawad oo kamid ahaa xubnaha u tartamaaya aqalka sare oo ka dhoofay Puntland appeared first on Puntland Post.