Garoowe: (pp)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta ka furey Magaalada Garowe ololaha Maalmaha Talaalka Cudurka Dabaysha ee caruurta oo ka bilowday deegaanada Puntland.
Munaasabad lagu daahfurayey Ololahan oo ka dhacdey xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Magaalada Garowe ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinta iyo Howl wadeenada Wasaarada Caafimaadka, Dhakhaatiir, Wakiilo ka socda Hay,addaha UNICEF,UNFPA iyo WHO,Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ,Xildhibaano ,Ardayda caafimaadka barata iyo Marti sharaf kale.
Xaflada furitaanka Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha oo ay ka hadleen xubno kala duwan ayaa dadkii ka hadlay waxay si aad ah ugu dheeraadeen ahmiyada talaalka dabayshu uu u leeyahay dhalaanka iyagoona sheegey in caruurta waalidkood u baahan yihiin inay ka fekeraan caafimaadkooda.
Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka caafimaadka Puntland oo daahfurka talaalka hadal kasoo jeedeyiy waxa uu fariin u diray dhamaan Waalidiinta inay caruurtooda ka talaalaan cudurka Dabaysha ah oo laga helay qaar ka mida deegaanada Koonfurta Somalia.
Inta uu socdo talaalkan ayuu sheegay wasiirku inay xooga saari doonaan gaarsiinta adeegan guri kasta guud ahaan deegaanada Puntland ,waxana uu ugu baaqay maamulada gobollada iyo degmooyinka inay ka qayb qaataan fulinta ololahan.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhibcihii ugu horeeyay ee talaalka siiyay ilmo goobta ku sugnaa ,waxana sidoo kale uu siiyay qaar ka mida masuuliyiinta dowladda oo ku dhiirigelinayay dadweynuhu sidii ay caruurtooda uga talaalan lahaayeen cudurkan oo ah mid saameyntiisu balaaran tahay.
Gen C/samad ayaa u direy Shacabka Puntland afar fariimood oo ku aadan sababaha loogu baahan yahay ee muhiim ka dhigaya in la qaato ka hortaga cudurka dabaysha , kuwaas oo uu sheegey Madaxweyne C/samad Cali Shire inay baaq u yihiin sidii lagu ciribtiri lahaa xanuunkan naafeeyey qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.