Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska Puntland ayaa ku qabatay Garowe dood wadaag ku saabsan ka qeybgalka gabdhaha horumarka Puntland, Waxaana kazoo qeyb galay barnaamijkan dood wadaaga ah masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda , Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Waaxda Daryeelka Caruurta Khadro Axmed Odey , La taliyaha Waaxda Daryeelka Caruurta ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Cali Salaad Hassan,Gabdho Aqoonyahano ah iyo Marti sharaf kale.
Barnaamijkan oo qeyb ka ahaa xuska maalmaha adduunka ee Gabdhaha ayaa si weyn loogu gorfeeyay dood wadaagiisa sidii gabdhuhu qeyb uga noqon lahaayeen horumarka Puntland iyo Guud ahaanba dalka Soomaaliya.
Khadro Axmed Odey oo ah Agaasimaha Waaxda Daryeelka Caruurta Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa ku boorisay gabdhaha kazoo qeyb galay kulankan in looga baahan yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalka , Islamarkaana muhiim tahay inay kazoo dhiibtaan fikradahooda ,Waxayna ku sheegtay Khadro Axmed caqabadaha haysta haweenka inay yihiin waxbarasho la,aan sidaas darteedna looga baahan yahay gabdhaha siday qeyb uga noqon lahaayeen dhiirigalinta iyo taageerida waxbarashada.
Cali Xassan oo ah La taliyaha Waaxda Daryeelka Caruurta ayaa isna tilmaamay in Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland u taagan tahay garab istaaga iyo dhiirigalinta horumarka bulshada iyo gabdhaha.
Sidoo kale Deeqo Cabdulqaadir oo mid ahayd dadkii ka hadlay barnaamijkan dood wadaaga gabdhaha ayaa ka codsatay Wasaaradda Haweenka Puntland inay sii laba jibaarto dhiirigalinta iyo Horumarinta Gabdhaha.
Ugu danbeyntii Najma Maxamuud Cumar oo goobta ka hadashay ayaa talo kusoo jeedisay labo qodob oo kala ah .
- In lagu wacyigaliyo bulshada taageerida iyo horumarka gabdhaha.
- Inay gabdhuhu ka dhex muuqdaan kaalintooda ku saabsan horumarka bulshada.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo kulan dood wadaaga gabdho ugu qabatay Garowe appeared first on Puntland Post.