Garowe (Puntland Post):- Hay’adda World Vision ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan looga hadlayay xoojinta shaqo abuurka dhalinyarada qaadatay xirfadaha kala duwan, Waxaana kasoo qeyb-galay kulankaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland Sida Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Shaqada, Wakiilo ka socday hay’addaha caalamiga ah iyo ururada maxaliga ah.
Hay’adda World Vision ayaa sheegtay inay tahay ujeedada kulankaan sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyaro badan oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo horey xirfado kala duwan loogu baray Gobolka Nugaal iyo Sidii loo samayn lahaa isku xir ka dhaxeeya shaqadoonka iyo shaqo bixiyaasha.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle ayaa sheegay inay muhiim tahay in hay’adda dowliga ah iyo kuwa gaarka ahba iska xil saaraan sidii fursado shaqo loogu heli lahaa dhalinyarada wax baratay si ay noloshooda u maareeyaan , Sidoo kalena looga faa,iideysto baahida shaqo ee ka jirta Puntland.
Waxa uu si gaar ah Wasiir Cabdiraxmaan dardaaran ugu jeediyay ganacsatada Puntland oo uu ka dalbaday inay saacidaan barnaamijkan oo uu sheegay inuu soo saaray dhalinyaro badan oo aqoon u leh kor u qaadida ganacsiga.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyarada kuwaas oo uu sheegey inay mudan yihiin in la rajo galiyo iyo in la baro xirfado ay ku shaqeystaan.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post World Vision oo Garowe ku qabatay shir lagu xoojinayo shaqo abuurka dhalinyaradda appeared first on Puntland Post.