Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo shirar uga qeyb galay Nayroobi

$
0
0

Nayroobi (Puntland Post):- Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa shir looga hadlayo Caafimaadka Soomaaliya uga qeyb galay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirka wafti ka socda Dowlada Puntland uga qeyb galeen Nayroobi ayaa ah mid la qabto  sannadkii laba jeer ,waxaana isugu yimid Madaxda Caafimaadka dalka Soomaaliya,Hay,addaha Qaramada Midoobay,Deeq bixiyaasha iyo Ururo caalamiya, waxaana uu ahaa ajandaha diirada lagu saarayo shirka sidii looga gudbi lahaa caqabadha ka jira caafimaadka iyo sidii looga gudbi lahaa, Iyadoona uu ahaa qodobadka ugu weyn oo shirkan looga hadlayey qorshihii caafimaadka shanta sano oo ku eg sannadkan iyo wixii lagu beddeli lahaa.

Wasiir Cabdinaasir Cuuke iyo Wafdigiisu ayaa si goonni goonni ah ula kulmay deeq biixiyayaasha  Sida Sweden, Finland, UK (DFID), Bankiga horumarinta Jarmalka (Germany  KFW) iyo hay’adaha UN (UNICEF iyo WHO).oo ay uga mahadceliyeen gacanta ay ka siiyaan caafimaadka Dowlada Puntland, Iyagoona si gaar ah ugala hadlay wafdiga wasirrku sii xoojinta wada  shaqaynta iyo inay il gaar ah ku eegaan adeegga caafimaadka Puntland oo ah meesha hawlaha caafimaadka ugu badani ka socdaan dalka Somaliya oo dhan.

Waxaa kale oo waftiga Dr Cabdinaasir Cuuke kala hadleen deeq bixyeyaasha iyo hay’addahaba baahida loo qabo in si deg deg ah dib u dhis iyo dayactirba loogu sameeyo burburkii ku yimid Isbitaalka Gallkacyo oo ahaa halbawlaha ugu weyn oo adeeg caafimaad ay ka helaan Ummadda Somaliyeed iyo dalalka deriska ah.

nairobiWasiirka Caafimaadka Puntland ayaa kulamada uu la yeeshay Hay,addaha iyo Deeqbixiyaasha ugu sheegay in jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan tan reer Puntland iyo dawladduba u istaageen sidii wax looga qaban lahaa inuu deg deg u bilowdo adeega isbitaalka Gaalkacyo, Isagoona ugu baaqay inay ka qayb qaataan dayactirka iyo dib-u-dhiska Isbitaalka.

Waftiga Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa kula kulmay magaalada Nairobi Safiirka Dalka Finland oo ay kala hadleen mashruuc hore Puntland uga socdey saddex sano, haddase joogsadey sidii dib loogu cusboonaysiin lahaa.

Wasiirka ayaa u sharaxay Safiirka  dalka Filand faa’iidada uu u ummadda Puntland u lahaa Mashruucaasi iyo sidey Dawladda Puntland uga mahadcelinayso Dawladda Finland deeqdaas ay u fidisay. Isla mar ahaantaana wuxuu ka codsaday wasirrku safiirka  in dib loo soo cusboonaysiiyo Mashruucaasi.

Safiirka dalka Filand ayaa  si weyn usoo dhaweeyay codsiga uga yimid Wasiir Cabdinaasir, wuxuuna  balan-qaaday inuu ka shaqeynayo sidii dib loogu soo celin lahaa mashruucaasi uu kala hadlay Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo shirar uga qeyb galay Nayroobi appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>