Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo qorshe 5 sano ah u dejinaysa nadaafadda iyo biyaha

$
0
0

Garowe (Puntland Post):-Kulan looga hadlayay qorshaha shanta sano ee soo socota istaraatiijiyadda biyaha iyo nadaafadda Puntland ayay maanta ku qabatay magaalada Garowe Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Puntland oo kaashanaysa Hay,adda UNICEF waxaana kazoo qeyb galay masuuliyiin ka socota wasaaradaha iyo hay,addaha ay qusayso kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka , Hay,adda Biyaha Puntland, Wasaaradda Waxbarashada, Hay,adda HADMA iyo Hay,addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ee Hay,adda UNICEF kala shaqeeya  arrimaha nadaafadda iyo biyaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland  Xuseen Cabdi Jaamac ayaa ugu horeyn ka warbixiyay ajandaha looga hadlayo shirka iyo wuxuu ku saabsansan yahay,Waxaana furay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Siciid Farah Oja oo ka hadlay muhiimiyadda biyaha iyo nadaafadadu u leeyihiin noloshada dadka iyo sida biyuhu ahmiyadda 1aad ugu yihiin Dowlada Puntland .

Siciid Oja ayaa ugu baaqay hay,adda UNICEF iyo Hay,addaha kale ee kala shaqeeya biyaha iyo Nadaafadda inay Dowlada Puntland gacan ka siiyaan horumarinta biyaha iyo nadaafdda.

Madaxa guud ee biyaha iyo caafimaadka heer Soomaaliya Hay,adda UNICEF Mr Dara oo ka hadlay kulankaan ayaa balanqaaday inay dowlada Puntland kala shaqeynayaan horumarinta biyaha iyo arrimaha caafimaadka, wuxuuna sheegay inay gacan dhow ka geysan doonaan dejinta qorshaha shanta sano ee ku saabsan biyaha iyo Nadaafadda Puntland.

dsc09972 dsc09971 dsc09970 dsc09969 dsc09968 dsc09967 dsc09966 dsc09965 dsc09964 dsc09963 dsc09962 dsc09961 dsc09960 dsc09959 dsc09958Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Puntland oo qorshe 5 sano ah u dejinaysa nadaafadda iyo biyaha appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>