Garowe (Puntland Post):- Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa maanta Garowe ka dhigay dugsiga sare oo loogu talo galay inuu qeyb ka qaato dardar gelinta iyo haqabtirka baahida waxbarashada ee ardayda magaalada Garowe.
Dusgigaan sare ayaa ah qeyb cusub oo lagu kordhiyay dugsiga hoose iyo dhexe ee Sheikh Xaamid, kasoo horey u ahaa dugsi dhexe oo kaliya.
Sababta loogu kordhiyay dugsigaan sare ayaa lagu sheegay inay tahay, si ardayda dugsigaas ka baxdo fursad ugu helaan inay isla dugsigooda ka helaan waxbarasho dugsi sare ah. sababtoo ah ma jiraan dugsi sare oo ka agdhow aaga, iyadoo ardayda dugsigaas ka baxdana ay ku khasbanaayeen inay xaafadaha kale ka raadsadaan dugsi sare.
Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa u mahad celiyay hay’adda CARE oo maalgelinaysa mashruuca lagu dhisayo dusgiga sare, wuxuuna sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay sida wasaaradda waxbaraashadu ugu heelan tahay horumarinta waxbarashada.
Wasiirku wuxuu sheegay inay haatan wasaaradda waxbarashadu dhismayaal waxbarasho ka wado guud ahaan Puntland gaar ahaan dhulka xeebaha ku teedsan oo la doonayo in kor loosoo qaado waxbarashadooda.
Daawo Sawiradda.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Garowe” Wasiirka Waxbarashada Puntland oo dhagax dhigay dugsi sarre appeared first on Puntland Post.