Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Gal-Mudug iyo kuwo Ahlusuno oo ka socdo Gudin-Labe

$
0
0

Wararka ka imaanaya deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaas uu haatan ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada  Galmudug iyo kuwa Ahlusuna Waljameeca.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Nabad Sugida Galmudug ay weerar ku qaadeen Goob Ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad Deegaanka ah Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya, ciidamada Galmudug ayaa waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan goobihii ay ku sugnaayeen kooxo maleeshiyaadka ah.

Muddo kadib ayaa waxaa deegaanka weerar ku qaaday Ciidamadii Maaleeshiyaadka ahaa oo taageero ka helaya Ciidamada Maamulka Ahlusuna waljameeca ee Gobolada dhexe oo ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud

Wararka Puntland Post Ay ka heleeyso Deegaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunno ay halkaasi Guud ahaan la wareegeen.

PUNTLAND POST 

The post Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Gal-Mudug iyo kuwo Ahlusuno oo ka socdo Gudin-Labe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>