Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Dowlada Federalka Somalia loo dirayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay inay Dowlada Soomaaliya u direyso Gaalkacyo ciidan ka tirsan xooga dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay kala dhex gali doonaan ciidamada Galmudug iyo Puntland ee isku hor fadhiya galbeedka magaalada .
Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa intaas ku daray inaysan u dul qaadan doonin dowlada federalku sii socoshada dhiig ku daata magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in lagala xisaabtami doono Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug sababta ay u joojin la,ayihiin dagaalada kusoo noqnoqday Gaalkacyo.
Lama oga inuu si rasmiya u dhaqan gali doono iyo in kale go,aankan ay maanta soo saartay Dowlada Federalka Soomaaliya
Hoos ka dhageyso Warbixin
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Dowladda Somalia oo ciidan usoo diraysa Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.