Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo shir caalamiya uga qeybgalay dalka Masar

$
0
0

Garowe (Puntland Post):-Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa uga qeyb galay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar shir goboleedka 63aad ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee Waddamada Bariga Badda Dhexe, oo sannad kasta mar lagu falan-qeeyo xaaladda caafimaadka Waddamadaas, go’aanno iyo jiheynna laga soo saaro.

Arrimaha sanadkaan shirka looga hadlayay waxaa ugu weynaa doorashada madaxa hay’adda Caafimaadka Addunka ee Gobolka Bariga Dhexe,  waxaana loo doortay  Dkakhtar  ka socda Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carbta wuxuuna beddeley Madaxii hore oo u dhashay dalka Ciraaq.

Wafdiga Somalidu wuxuu culays ku saaray Madaxa cusub inuu Somaliya caafimaadkeeda gacan ka geysto iyo qoondada shaqaalha Somalidu ku leedahay Hay’adda Caafimaadka adduunka inay  ka hesho,wuxuuna balan-qaaday labadaas.

Waxaana la isku raacay shirkaas dhowr qodob oo farsamo ah inay hirgaliyaan dowladaha Gobolku, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

  1. Waxaa si cilmi ah loo soo bandhigay in Hawada Waddamada Gobolku tahy midda ugu liidata sababtana caafimaad xumo weyn. Waxaa la isla gartay in la soo diyaariyo qorshe wax lagag qabanyao
  2. Baahinta adeegga caafimaadka iyo tallaabooyinka loo baahanyahay in la qaado
  3. Adeegga caafimaadka xaaladaha dededegga ah inuu noqdo qayb ka mid ah baahinta adeega caafimaadka
  4. Horumarinta Shaqaalaha caafimaadka ee Gobolka
  5. Ka hortagga iyo daryeelka cudurrada isirka ( genetic & congenital Diseases) la isugu gudbiyo
  6. Xoojinta macluumaadka iyo warbixinta Caafimaadka waddamada Gobolka

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa isla shirkaas si gaar ah wuxuu ula kulmay Isbahaysiga Adduunka ee Tallaallada,Waxayna isla meel dhigeen warbixnno kaddib qorshaha iyo qoondada tallallada sannadaha soo socda.

149 img-20161006-wa0012 img-20161006-wa0021 img-20161006-wa00171PUNTLAND POST

The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo shir caalamiya uga qeybgalay dalka Masar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>