Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa sagootisay 130 qof oo isugu jira arday ka qalin jabisay dugsiyada sare Puntland iyo shaqaale dowladdeed, kuwaas oo dalka Ethiopia looga helay deeqo waxbarasho oo isugu jira Master iyo Bachelor
Munaasabad lagu sagootinayay ardaydaan oo ka dhacay xarunta jaamacadda PSU, ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland, kuxigeenkiisa, Agaasimaha guud iyo Xafiiska Imtixaanaadka Puntland.
Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay, Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa kula dardaarmay ardeyda inay ka faa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan, Wuxuuna kula balamay 130 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Ethiopia inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan.
Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Dr
Wasiirku wuxuu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland.
Daawo Sawirada.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo 130 ardey u sagootisay dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.