Gaalkacyo (Puntland Post):- Wararka ugu danbeeyay oo aanu ka helayno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidanka Puntland kula wareegeen dagaal dhacay galinkii danbe ee maanta Kantaroolka Galmudug ee ku yaala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo la hadlay Puntland Post ayaa guulo ka sheegtay dagaal maanta Gaalkacyo ku dhex marey Puntland iyo Galmudug, waxayna sheegeen inay ka saareen ciidamada taabacsanaa maamulka Galmudug gabi ahaanba xaafadda Baraxleey iyo Saldhigyaddii ay ka joogeen Koonfurta Gaalkacyo.
Dagaalka labada dhinac dhex maray maanta ayaa ahaa mid la isku adeegsanayo hubka cul culus iyo madaafiicda goobta.
Ilaa iyo hadda si rasmiya looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay wallow warar madax banaan sheegayaan in la arkayay qiiqa iyo dabka goob kaalin shidaal ah oo ku taala Koonfurta Gaalkacyo ka dib markii ay ku habsatay rasaas madfaca.
Kala soco wixii faahfaahin ah Puntland Post
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Puntland oo dagaal kula wareegtay Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.