Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudiga Doorashooyinka Jubaland iyo Ergooyin Jubaland oo Gacanta iskula tagey

$
0
0

Kadib kulan ay isugu yimaadeen Gudiga doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka jubaland iyo ergooyinka soo xulayo xubnaha jubaland umatali doona baarlamaanka aqalka sare islamarkaana ay ku yeesheen magaalada kismaayo ayaa isku badalay muran gacan ka hadal sababay

Ergooyinka matalayay beelaha iyo gudiga lo xilsaaray hanaanka doorashooyinka jubaland ayaa mar qura gacanta iskula tagay iyagoo adeegsanayay ulaha xaragada, dhalooyinka cabitaanada iyo kuraastii ay ku fadhiyeen

Cabdulaahi xuseen cabdulle oo qayb ka ahaa ergadii ku sugneed goobta ayaa ka warbixiyay waxa sababay in ergada iyo gudiga doorashadu ay dagaalamaan, waxaa uu sheegay in 8ruux oo isugu jira gudiga doorashada iyo eragada ay dhaawacmeen.

Ergada iyo gudiga doorashada aya gacanta iskula tageen kadib markii maamulka jubaland ay goobta keeneen ergooyin hor leh oo aan ahayn kuwii beelahooda ay soo gudbiyeen sida uu sheegay nabadoon cabdulaahi xuseen cabdulle oo ka mid ah ergada.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka jubbaladn ayaa la geeyay goobta maanta ay uu dagaalka gacan ka hadal ku dhexmaray Ergooyinka matalayay beelaha iyo gudiga lo xilsaaray hanaanka doorashooyinka jubaland.

Hoos ka dhageyso Codka.

PUNTLAND POST

The post Gudiga Doorashooyinka Jubaland iyo Ergooyin Jubaland oo Gacanta iskula tagey appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>