Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidamo Hubeeysan oo la wareegay Xaruntii Shirka Ee Jowhar

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe Ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo Aad u hubeeysan oo Wata gaadiidka Dagaalka ay la wareegeen Goordhow Xarunta Shirka Ee Jowhar.

Ciidamadaan oo wata in kabadan Gaadiidla Dagaalka 15 Ayaa Albaabada isugu Dhuftay Xarunta Shirka uu ka soconayo iyaga oo isku Hareereeyay.

Wararka Halkaasi Puntland Post ay ka heleeyso Ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaan ay yihiin kuwo Qaab Qabiil u abaabulana kuwaasi oo la wareegay Xarunta Shirka islamarkaasina ka soo horjeedo Hanaanka Shirka.

Odoyaasha Shirkaasi ku sugnaa Ayaa dhaliilay qaabka ay u dhacday Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Xiisado Ayaa laga soo Sheegayaa Gudaha Magaalada Jowhar Waxaana laga cabsi Qabaa in halkaasi Dagaal uu ka biloowdo.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo Hubeeysan oo la wareegay Xaruntii Shirka Ee Jowhar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>