Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in ya xireen saddex nin oo Mareykan caddaan ah oo qorsheynayey in ay weeraraan masaajid iyo guryo ay daganyihiin qoysas Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Garden City ee gobolka Kansas ee dalka Mareykanka.
Seddexdan Nin ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen in ay dhigaan gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey afarta gees ee daar dheer oo ka kooban dhowr dabaq oo ay daganyihiin ilaa iyo 120 qof ruux oo Soomaali ah.
Ku simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Mareykanka Tom Beall ayaa xalay u sheegay wariyaasha in raga kala ah Curtis Allen, Gavin Wright, iyo Patrick Stein, la xiray Jimcihii isla markaana lagu soo eedeeyey dhamaantood danbiyo la xiriira aragagixisada gudaha.
Nimanka ayaa la aamisan yahay in sababta ay weerarka u geysanlahaayeen ay tahay naceyb iyo midib takoor ka dhan ah Muslimiinta iyo Mujaajiriinta soo galaya dalka Mareykanka.
Dhanka kale Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa ka baqdin qaba in weeraro noocaan oo kale ah loogeysto.
PUNTLAND POST
The post Rag doonayay inay qaadaan Weerar ka dhan ah Soomaalida Mareykanka oo la Qabtay appeared first on Puntland Post.