Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.
Doorashada ayaa laga rabaa inay ku soo baxaan 8 xubnood oo Galmudug u matala Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku guuleystay kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka kaga soo aadey beeshiisa kadib markii shaqsigii la tartamayey Cabdi Qeybdiid uu ku dhowaaqay inuu tanaasulay, waxaana Qeybdiid dood la’aan, muran la’aan iyo sidoo kale waqti lumis dhammaaday uu u helay codka kursiga.
Dhanka kale Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa isna ku guuleystay kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib tartan uu la galay musharax kale oo ay xilkaas u tartamaayay.
Galmudug ayaa noqonaysa Maamulkii ugu horeeyay ee qabta Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka.
PUNTLAND POST
The post Cabdi Qeybdiid oo ku guuleystay kursiga Aqalka sare ee baarlaamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.