Garowe (Puntland Post):- Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma,ake ayaa goordhow soo gaaray magaalada Garoowe.
Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa garoonka diyaaradaha kanooko kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaana ay ka wadahadleen colaada Gaalkacyo.
Cumar Cabdirashiid oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu u yimid Puntland sidii waanwaan nabadeed uga dhexbilaabi lahaa Puntland iyo Galmudug waxaana uu sheegay inuu lasoo kulmay madaxda galmudug ayna kawada hadleen sidii xiisada coladeed loo soo afjiri lahaa.
Madaxweynaha Puntland oo isna hadlay ayaa sheegay inay Raysalwasaaraha ka wada hadleen arimaha gaalkacyo,Cabdiwali ayaa sheegay in puntland waligeed ay nabad raadinaysay islamarkaana aysan cidna duulaan ku ahayn.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka kadib safar ugu ambabaxay dalka itoobiya.
Faahfaahino dheeri ah goor dhow kala soco PUNTLAND POST
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Gaas iyo Raysal wasaare Sharmaake ooo ku kulmay Airport-ka Garowe appeared first on Puntland Post.