
Garowe (Puntland Post):- Xildhibaan Absihir Xasan Abshir oo ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka DF Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaaladii iyo colaadda weli ka aloosan magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,Wuxuuna ka codsaday madaxda labada maamul iyo shacabkoodaba inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo wadajirkooda.
Xildhibaaanka oo la hadlay Puntlandpost ayaa yiri”Nabadda laguma haynkaro qori caaradii” wuxuuna intaas ku daray inay waajib tahay madaxda Puntland iyo Galmudug inay furaan wada hadalo , si xal loogu helo dagaalada kusoo noq noqday magaalada Gaalkacyo.
Xildhibaankan oo Barlamaanka DF kasoo gala Puntland kuna sugan Garoowe ayaa sheegay inuu gacan ka gaysanayo dhanka Puntland sidii looga shaqeyn lahaa nabadda , Wuxuuna sidoo kale ugu baaqay masuulyiinta Galmudug inay u guntadaan sidey u xakameyn lahaayeen ciidankooda iyo shacabkoodaba.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Xildhibaan Abshir Xasan Abshir oo ka hadlay colaada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.