Gaalkacyo(Puntland Post):- Taliyaha guud ee ciidanka Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Dheere) oo Jimcihii gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta ka hadlay colaada u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug.
Taliyaha guud ee ciidanka Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Dheere) oo Jimcihii gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta ka hadlay colaada u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug.
Waxa uu sheegay Sareeye Guuto Siciid Dheere in dagaalku kusoo noq noqday Gaalkacyo, taasna ay tahay nasiib daro, isagoona ku tilmaamay colaada hadda ka taagan inay tahay Gardaro qaawan .
“Waa nasiib darro dagaalada Gaalkacyo ka dhacay, iyada oo muddo sanad ah ka nasatey, dagaalada Galbeedka Gaalkacyo ka dhacay waa gardarro qaawan, meel laga dhisaayo Maxjar oo labada dhinacba dan ugu jirto in uu heer ciidan isu beddelo ma ahayn mid Gaalkacyo laga filaayey “ayuu yiri Siciid Dheere.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Gen Siciid Dheere ayaa sheegay in uu ahaa raggii fuliyey heshiiskii Gaalkacyo dib loogu degey 1993 oo ugu tyegey saddex Higlo jamhaddii SNA, waa la yaqaaney dhulka sida loo kala deganaa loo kala lahaa waa ayaan darro maanta in sidaas wax u dhacaan ayuu yiri Siciid Dheere, waa la ogaa markii heshiiska la galaayey Gaalkacyo gacanta SSDF ayey ku jirtey, walaalahaya oo wax aamni la ayaan u tegney ilaa Dhuusamareeb.
Waxa uu sheegay Siciid Dheere inay dhici karto inay meesha ka baxeen dadkii ogaa sida wax u dhaceen iyo taariikhda Islamarkaana ay soo baxeen wiilal yaryar oo moodaya in la dhashey hadda, kuwaas oo uu sheegay inay muruq iyo awood is-bidayaan.
“Puntland mar walba waxay ku taagan tahay wadada nabada, mar walbana waxay diyaar u tahay, iney iska difaacdo wixii soo gardaraysta ”, ayuu yiri Gen Siciid Dheere.
Waxa uu sheegay Gen Siciid Dheere inay is xakameynayaan ,Islamarkaana aysan doonayn dagaal,balse wuxuu sheegay inay isdifaacayaan.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Gen Siciid Dheere oo ka hadlay colaadda Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.