Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa maanta inay ka dhacdo dhamays tirka Doorashada xubnaha ka harsan Aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mid noqanaya Galmudug.
Iyadoo shalay la qabtay intooda badan oo ay kusoo baxeen 5 xubnood oo ka mid noqon doono xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya.
Xubnihii doorashadii shalay kusoo baxay ayaa waxa ay kala ahaayeen Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Cabdi Axmed Dhuxulow, Yuusuf Geelle Ugaas iyo Zamzam Dahir Maxamuud oo ah gabadhii ugu horeysay ee ka mid noqotay xubnaha Aqalka Sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Maamulka Galmudug ayaa noqonaya Maamulkii ugu horeeyay ee soo kala saara xubnaha Aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
The post Galmudug oo Maanta soo dhameystiraysa Xubnaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.