Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaafiic Qasaare Geeystay oo ku Dhacday qoryooleey

$
0
0

Wararka ka imaanaya Degmada Qorxooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in  madaafiic qasaare geeystay halkaasi lagu garaacay.

Madaafiicdaasi ayaa waxaa ku dhintay labo Gabdhood oo isla dhalatay kuwaasi oo madaafiicda ay ugu tagtay hooygooda.

Hooyada  dhashay Labada Gabdhood ee Geeriyootay  ayaa Warbaahinta  u xaqiijisay in xalay seqdii dhexe hoygii ay ka daganaayeen Gudaha Degmada Qorxooley ee Gobolka Shabeelaha hoose uu ku dhacay hoobiye islamarkaana uu ka dilay labo Gabdhood ay dhashay sidoo kale dhaawac daran uu soo gaaray wiil yar oo bilooyin dhalnaa.

“Labo Gabdhood oo aniga aan dhalay aya ku dhimatay hoobiye kusoo dhacay hoy aan ka daganeen Degmada Qorxooley ee Gobolka Shabeelaha hoose, labada Gabdhood waxaa lagu kala magacaabi jirey khadiijo iyo iyo Faadumo, labada Gabdhood waxa ay galeen qol  si ay wax ugu soo qaadaan, mid kamid ah ayaa waday Cunug bilooyin dhalnaa,  intii ay guriga ku jireen ayuu hoobiye kusoo dhacay labada gabdhood ayaa ku dhimatay  halkaas, wiilkii yaraana waxaa soo gaaray dhaawac culus kiliyaha ayay wax ka gaareen Magaalada  Muqdisho ayaa loosoo qaaday”, ayay tiri hooyada dhashay Labada Gabdhood.

Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic isku weeydaarsada Magaalada Qoryooleey iyo Deegaanada kale ee Koonfurta iyo Bartamaha Dhulka Somalia

Hoos ka dhageyso Codka

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

 

The post Madaafiic Qasaare Geeystay oo ku Dhacday qoryooleey appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>