
Baladweyn (Puntland Post):- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan,Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si cad u sheegay in maamulka Hir-shabeelle uu ka shaqeynayo gobolka oo aysan aqbali karin maamulka kale.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo markii hore kasoo horjeeday qorshaha lagu dhisayo maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa xilligan sheegay inuu soo dhaweynayo doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar oo lugu doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka ay labada gobol ku midooben.
“Jowhar doorasho cadaalad ah ayaa ka dhacday, maamulkaas inuu dhismo waqti dheer baa la sugayay, markii horena la iskuma diidaneyn Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, , waana guul u soo hoyatay shacabka labada gobol”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Wuxuu inta ku darey inuusan aqbali doonin in la carqaladeeyo maamulkan cusub, isla markaana maamul aan aheyn kan Hirshabeelle aanu ka howl geli doonin Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,
“Lama aqbali doono maamul aan aheyn Hirshabeelle, lamana sameyn doono maamul carqaladeeya, wixii khilaaf ee jira waxay u taalaa dowladda, ayaga la xaajoonaya cidii dhaliil qabta”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Hadalka Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) ayaa kusoo beegmaya xilli odayaasha iyo waxgaradka degga gobolka Hiiraan ay doonayaan inay dhisaan maamul u gaar ah gobolka Hiiraan.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Daba-geed oo ka digay in maamul kale looga dhawaaqo Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.