Garoowe: (pp)- Baarlamanka Dowlada Puntland oo ku guddo jira kalfadhigooda 30-aad ee goluhu uu kaga doodayo 10 ajande oo qaarkood culculus yihiin ayaa dood adag lagu wadaa inay ka yeeshaan qodobka 10 aad oo dhigaya xiriirka Puntland iyo Dowlada Federalka Somalia iyo Dhismaha Maamulka cusub ee Jubaland kana mid ah maamulada kusoo biirey maamul goboleedyada Somalia.
Xubno ka tirsan Madaxda Baarlamanka Puntland oo Puntlandpost la hadlay ayaa sheegey in baarlamanku dood adag ka yeelan doono inta lagu gudo jiro kalfadhiga 30 aad wax ka bedelidii Dowlada Federalku ku sameysay Dastuurka Somalia iyo Dhismaha Maamulka Jubaland oo diidmo kala kulmey Madaxda DF Somalia , xilli Puntland ay ku doodeyso in si sharciya waafaqsan Jubaland lagu soo dhisey.
Qodobkan ku jira ajandaha baarlamanka Puntland uu dhawaan sharci kasoo saarayo ayaa suurto galin kara in lagu go,aamiyo Puntland oo kalsoonida kala laabata Dowlada uu hadda Madaxweynaha uu ka yahay Xasan Shiikh Maxamud ka dib markii ay ku tumatey Dastuurkii lagu heshiiyey.
“Puntland waxay xaq u leedahay inay go,aan ka qaadato siyaasada qalafsan ee DF Somalia ku dhaqmeyso mudooyinkii u danbeeyey, waxaana sida dadku la socdaan Xasan Shiikh uu diidey ku dhaqanka Dastuukii lagu heshiiyey oo uu ku bedelay mid isagu jeebka uu kala soo baxay sidoo kalena waxay si bareero ah Madaxda DF u cadeeyeen inaysan raali ka noqoneynin dhismaha iyo hirgalitaanka Dowladihii Xubnaha ka noqon lahaa Federalka oo aad og tihiin Dhismaha Jubaland oo si sharciya ku yimid inay carqalad iyo fowdo ku hayso habeen iyo maalin kooxda Muqdisho fadhida” ayuu yiri masuulkan la hadlay Puntlandpost.
Inta uu ku gudo jiro baarlamanku kalfadhigiisa waxa uu sidoo kale dood adag ka yeelan doonaa arrimaha Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo Puntland laga qabsadey sanadkii 2007-dii iyo sidoo kale xilliga kala guurka ee Puntland oo doorashooyin kusoo fool leeyihiin horaanta sanadka 2014 ayuu baarlamanku ka doodayaa sida ay noo sheegeen masuuliyiinta la hadley shabakada Puntlandpost.com.
Dooda baarlamanka Puntland uu kaga yeelanayo kalfadhigiisa ee ku aadan xiriirka Puntland iyo Federalka ayaa noqonaya mid xasaasiya islamarkaana kusoo beegmaya xilli dhowr mar oo sii horeysay Madaxda Dowlada Puntland ku sheegeen in Dowlada Federalku burburisey sharcigii wadanka , iyadoona uu ahaa hadalkii ugu danbeeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu dhawaan ku sheegey in Puntland ka fiirsaneyso xiriirka wada shaqeyneed ee ay la leedahay DF-ka.
inkastoo xubnaha Puntlandpost la hadley ay sheegeen inaysan jirin khudbada Gen Shire arrimo ku saabsan oo lagu soo darey ajandaha baarlamanku hadda uu ka doodayo, marka laga reebo baarlamanka oo mowqif uu u madax banaan yahay ka qaadan doona xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Jubooyinka.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.