Puntnland Post(Garowe)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guuleystay kamid noqoashada xubanaha Aqalka sare ee dalka kadib marki uu tartan kaga guuleystay Aamina Aadan.
Xili weli ay xilibaanada Puntland ay dooranayaan xubnaha Aqalka sare ee dalka ayaa waxaa kursigi ugu horeeyay ee kuraasta aqalka sare ee puntland helay uu ku guuleystay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa kuguulaystay 47 kamid codadkii ay dhiibteen xildhibaanada barlamaanku, halka Aaminana heshay 17 iyadoo hal cod xumaaday.
Kursigii 2-aad waxaa kusoo baxay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole oo helay 59 cod, halka Cabdi mahdi Abshir Cismaan oo la tartamayay uu helay 5 cod.
Kuriga 3-aad ayaa Waxaa Ku guuleeystay Pro C/risaaq Jurile oo Helay 33 Cod halka Musharax Hodan oo tartan adag lagashay ay heshey 32 cod.
Sidoo kale Kursiga 4-aad ayaa iminka waxaa loo Doortay Farxaan Cali Xuseen kaasi oo helay 36Cod Waxaana uu kaga guuleeystay Cali ismail Cabdi Giir oo helay 29 cod
Doorashada kuraasta kale ayaa sii socon doonta ilaa galabta haddii alle imdo.
PUNTLAND POST Kala soco Wixii Ku soo Kordha Insha allah
The post Cumar C/rashiid, Faroole iyo Juurile oo ku soo Baxay Kamid noqoshada Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.