Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Doorashada Aqalka sarre oo maanta ka qabsoontay Kismaayo

$
0
0

Kismaayo (Puntland Post):- Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta oo Arbaco ah u fariistey kala saaridda Musharixiinta Aqalka Sare ee uu u gudbiyay Madaxweynaha Jubaland Axmed maxamed islaam (Axmed Madoobe).

Waxaa ka qeyb galay  musharaxiin gaaray 17 Musharax, Kuwaas oo looga baahan yahay 8 xubnood oo si rasmiya u matali doona  Jubaland.

Tartanka musharaxiinta aqalka sarre ee Jubaland oo ahaa mid kursigii hal mar la codeynayay  Ayna ku tartamayaan laba- labo xubnood, inkastoo ay jireen kuraas ay saddex saddex musharax ku tartamayeen .

Musharax Axmed Xaashi Maxamuud, oo kamid ahaan jirey hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ayaa ka guuleystey Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo horey usoo noqdey Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya .

Xildhibaan Xasan Faarax Xujaale ayaa isagana waxaa la tartamey Maxamed Tarax oo ahaan jirey siyasi si weyn loo yaqaano laba jeerna soo noqdey Wasiir, waxaana si fudud ku guuleystey Xasan Faarax Xujaale.

Gen. Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil oo horey u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland kana mid ahaan jirey hoggaamiye kooxeedkii Soomaaliya ayaa isaguna ka guuleystey gabadha kursiga kula qorneyd ee Saynab Maxamed Samoow.

Fatumo Xasan Maxamuud ayaa noqotey gabadhii u horeysey ee kursiga aqalka sare ugu guuleysta maamulka Jubaland, waxayna la tartameysey gabadh kale oo lagu magacaabo Waris Cabdi Maxamuud.

Waxaana usoo baxay ilaa iyo hadda xubnaha aqalka sarre Jubaland u matalaya 5 Musharax , Iyadoona lagu wado saacadaha soo socda in la doorto saddexda qof ee dhiman.

Dhanka kale waxaa maanta lagu wadaa in la helo Xildhibaanada aqalka sare ee Koonfur Galbeed, halka Puntland ay u codeynayaan maalinta berri ah.

Isku soo wada duuboo waxaa dib u dhac kale ku imaanaya doorashada Baarlamaanka ee aqalka hoose .

dscn9099-1 dscn9105 dscn9106 dscn9112 dscn9124Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Doorashada Aqalka sarre oo maanta ka qabsoontay Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>