Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Siyaasi Giir oo looga guulaystay doorashada ka socota Garowe

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo ka mid ah siyaasiinta ruugcadaaga ah  ayaa looga gulaystay tartankii uu u galay Aqalka Sare ee Golaha Wakiilada Soomaaliya.

Farxaan Cali Xusseen ayaaa ka guulaystay Cali Ismaaciil Cabdi Giir, wuxuuna Mudane Farxaan uu helay 36-Cod, taasi oo ka dhigan in Farxaan uu helay Xubinta Aqalka Sare.

Cali Ismaacil Cabdi Giir Wuxuu helay Codad dhan 29-cod, wuxuu Cali ka mid ahaa Siyaasiyiinta la sadaalinayay inay soo baxayaan, hasa yeeshe ma noqon mid hubanti ah.

Tartan adag ayaa iminka ka socda Hoolka Baarlamaanka Puntland, waxaana socda Wareegyada kale ee codaynta, iyada oo Musharixiinta dhiman ee loo codayn doono ay ka mid yihiin Janaraal Moorgan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Siyaasi Giir oo looga guulaystay doorashada ka socota Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>