Garowe (Puntland Post):- Kursiga Shanaad ee aqalka sare Puntland waxaa ku guulaystay Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere , wuuxuna ka guulaystay Faarax Cali Cawad .
Cabdislaan ayaa helay 40 Cod, Faarax Cali ayaa ina helay 25 cod , guddiga doorashada baarlamaanka ayaa shaaciyey qofka ku guulaystay kursiga shanaad ee aqalka sare, markuu dhamaaday codaynta baarlamaanku.
Waxayna sheegeen in Cabdisalaan Xaaji uu kusoo baxay kursiga shanaad ee aqalka sare , islamarkaana uu kamid noqonaya Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Farole, Cabdirisaaq Jurile iyo Farxaan Cali Xuseen.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post Cabdislaan Xaaji Dheere oo ku guulaystay kursiga 5aad ee aqalka sarre appeared first on Puntland Post.