Tababar soconayey muddo shan beri ah oo loo qabtay shaqaalaha dhammaan xarumaha Madaxtooyada dawladda Puntland ee magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso ayaa maanta 20 Oct, 2016-ka ugu soo xirmay magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland.
Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa waxa lagu tababaray sida loogu shaqeeyo qalabka casriga ah ee loo adeegsado kaydinta xogaha ama arkiifiyada iyo ilaalintooda oo loo adeegsanayo hab Electronic, taas oo ka dhigi doonta Madaxtooyada mid la jaan qaadda dhiggeeda Madaxtooyooyinka caalamiga ah.
Xubno ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada ee uu tababarku usoo xirmay ayaa xusay in ay tababarkaan wax badan ka faaiideen isla markaana ay wax badan ka beddeli doonaan xafiisyada ay ka hawlgalaan mark ay ku laabtaana, sidoo kale waxay xuseen in ay aad ugu faraxsan yihiin dedaalka ay dawladoodu ugu jirto tayayntooda horumarkooda.
Yuusuf Cabdi Soome oo ah Madaxa Arkiifiyada Madaxtooyada ayaa sheegay in shaqaalaha Madaxtooyadu ay ka haqab beeleen baahi weyn oo ay u qabeen habkaan casriga ah ee loo ilaalinayo kaydinta iyo ilaalinta xogta dawladda.
Agaasimaha guud ee madaxtooyada dawladda Puntland Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf oo tababarka soo xiray ayaa xusay in tababarkaani uu ka mid yahay ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa tayaynta iyo dib u habaynta shaqaalaha dawladda Puntland, isagoona sii raaciyey in qaybtaani ay tahay qaybtii koowaad dhowaan tababar noocaan oo kale loo qaban doono sideeda wasaaradood ee ka faa’iidaysanay barnaamijka tayaynta shaqaalaha ee uu Bangiga adduunku ka taageerayo dawladda.
Sidoo kale Agaasimuhu waxa uu kula dardaarmay dhammaan shaqaalaha xarumaha Madaxtooyada ee Nasiibka u yeeshay tababarkaan in ay wixii lagu tababaray sida ugu dhaqsiyaha badan uga hirgeliyaan xafiisyada ay ka hawl-galaan, isla markaana ay gaarsiiyaan aqoontan ay barteen shaqaalaha kale ee aan nasiibka u yeelan tababarkaan ee ka hawlgala xarumohooda.
Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Madaxooyada ayaa guddoonsiiyey shahaado sharafyo dhammaan shaqaalihii uu tababarku usoo xirmay, isagoona ku dhiirriyey in ay isbeddel degdeg ah ka muujiyaan xafiisyada ay ka hawl-galaan.
—Dhammaad—
Xafiiska warfaafinta, wacyigelinta, hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland.
The post Shaqaalaha Madaxtooyada dawladda Puntland oo loo xiray Tababar Garoowe uga socdey muddo shan beri ah appeared first on Puntland Post.