Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Al-Shabaab oo 3 Ruux ku Goowracday Jubbada Dhexe

$
0
0

Wararka ka imaanaya Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaa ku waramaya In maamulka Al-shabaab ee deegaankaas in fagaaro ku yalaa halkaa ay ku toogteen 3-nin oo iyaga ka tirsanaa.

Al-Shabaab ayaa Sadexdaan nin waxa ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasiin la shaqeeneysay Dowlada Mareykanka iyo Dowlado kale, waxaana ragaan Maxkamada ay leedahay Kooxda Al-Shabaab ku fulisay xukun dil ah.

Raga la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdulaahi Maxamed Cabdiraxmaan, Maxamed Salaad Kaahiye, iyo Liibaan Xuseen Maxamed, Qaadiga Xukunka riday ragan ayaana sheegay in dambiyada lagu soo eedeeyay ay qirteen sidaana xukunka dilka loogu fuliyay.

Ciidamada Xisbada Al Shabaab, ayaa xukunka dilki ihi ku fuliyay saddexdaasi nin, waxaadna mooddaa in ay Shabaabku kordhiyeen xukunada dilalka, waxaa xusid mudan in todobaadkii aynu soo dhaafnay nin ay ku eedeeyeen in uu u basaasayay dowlada Kenya ay ku toogteen degmada Jilib.

PUNTLAND POST

The post Al-Shabaab oo 3 Ruux ku Goowracday Jubbada Dhexe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>