C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Somalia oo La hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa ka hadlay Dagaalada ka soconayo Magaalada Gal-kacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wasiir Odowaa ayaa sheegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo aan loo baahneeyn islamarkaasina ay ka xuntahay Dowlada Somalia sii socoshada dagaaladaasi ka soconayo Gal-kacyo.
Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayuu ku eedeeyay Dagaaladaasi masuuliyadooda waxaana uu sheegay in lagala xisaabtami doono Dagaalkaasi.
Wasiirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo sii socoshada dagaaladaasi uu sheegay in ay tahay mid dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia oo Ka hadlay Dagaalada Gal-kacyo appeared first on Puntland Post.