Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Gobaledka Galmudug, Abdi Fatah Mohamud Ahmed ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.
Abdi Fatah mohamud Ahmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sababta iscasilaadiisa ku sheegay inay tahay arimo shaqsi ah oo aysan jirin dhibaato kale oo taagan xiligaas.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha iyo ku xigenkiisa inuu u gudbiyay arimaha ku aadan iscasilaadiisa, uuna rajeynaayo in laga aqbalo.
Warqada iscasilaada uu u qoray Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa u qorneyd sidan:
U JEEDO Is casilid
Ku: Madaxweynaha
Ku: Madaxweyne ku xigeenka
Ku: Godoonka Baarlamaanka
Og: Wasiirka Wasaaradda
Anigoo ah Abdi Fatah mohamud Ahmed Wasiir ku xigeenka wasaaradda Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Gobaledka Galmudug Waxaan halkaan ku cadaynayaa maanta oo ay ku beegan tahy 22/10 2016 in aan Iska casilay xilikii wasiirnimo ee aan u hayay shacabka iyo Xukuumada Galmudug Dhabtii iyadoo aan wax dhibaa to ah aan jirin ayaan xilkaasi isaga casilayaa arimo Shaqsiyadeed waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Maamulka in la iga aqbalo soo jeedintaydda ku aadan is casilidaydda :
PUNTLAND POST
The post Wasiir Katirsan Maamulka Galmudug oo is Casilay appeared first on Puntland Post.