Garowe (Puntland Post):- Hay,adda Dayactirka Wadooyinka Puntland ee PHA oo kaashanaysa Hay,adda Shaqaalaha Caalamiga ee ILO ayaa maanta tababar soconaya saddex beri uga furtay magaalada Garowe Injineerada heer degmo iyo Agaasimayaasha waaxaha howlaha guud ee Dowladaha Hoose Puntland.
Mudada uu soconayo tababarkan ayaa lagu bari doonaa kazoo qeybgalayaasha loo qabtay barashada shuruucda dhismaha wadooyinka iyo qandaraasyadda, Iyadoona horey ay usoo qabatay PHA tababaro kan la mid ah .
Eng Cabdulqaadir Guduudoow oo ka tirsan shaqaalaha Hay,adda PHA iyo ILO ayaa sheegay inuu ku saabsan yahay buuga laga hago wadooyinka oo ay diyaarisay Hay,adda PHA tababarka maanta uga furmay Garowe Injineerada heer degmo iyo Waaxaha howlaha guud ee Dowladaha hoose.
Eng Ciise oo ka mid ah saraakiisha Hay,adda ILO ayaa sheegay inuu ka mid yahay tababarkan kuwii ugu danbeeyay barnaamijyada mashruuca JBLG, Islamarkaana uu qeyb ka yahay sidii ay shaqadooda ula wareegi lahaayeen waaxyaha howlaha guud .

Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa ugu danbeyntii faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii Puntland ka faa,iiday mashruuca JBLG mudadii uu soo socday, Kuwaas oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen Aqoon heer qaran, heer degmo iyo mid gaar ahba, Wuxuuna hoosta ka xariiqay Eng Maxamud inay heleen shirkadaha wadanku intii uu socday barnaamijka JBLG awood ay ku dhisaan wadooyinka oo heer fiican ah.
Eng Maxamuud Cabdinuur ayaa sheegay laga soo bilaabo sanadkii 2008 ilaa 2017 inuu ka shaqeynayo Puntland barnaamijka JPLG Islamarkaana looga baahan yahay hay,addaha dowlada inay joogteeyaan aqoonta ay ka heleen barnaamijkan , si ay u noqoto mid dhaxal gal ah.
Wuxuuna Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland uu kula dardaarmay kazoo qeyb galayaasha loo qabtay tababarka inay u diyaar garoobaan sidii ay u hirgalin lahaayeen awooda daadajinta heer degmo ,Iyaga oo ka duulaya nidaamkii daadajinta ee Dowlada Puntland qaadatay.
Daawo Khudbadaha laga jeediyay Furitaanka Tababarka .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post PHA oo tababareysa Injineero iyo Shaqaalaha Dowladaha hoose Puntland appeared first on Puntland Post.