Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir looga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka caruurta iyo Xoojinta xog isdhaafsiga iyo iska warqabka Wasaaradda iyo Hay,addaha kala shaqeeya Daryeelka Caruurta Puntland.
Ujeedada kulankan oo ahayd sidii daryeel dhab ah u heli lahaayeen caruurta Puntland, waxaa kazoo qeyb galay shirkan Isku duwayaasha Wasaaradda Haweenka u fadhiya Goboladda ,Hay,addaha ka shaqeeya daryeelka caruurta, Agaasimayaasha waxaaha wasaaradda iyo Qareenada Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha daryeelka Caruurta.
Shirkan waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo kaashanaysa Hay,adda Unicef oo wasaaradda kala shaqeysa arrimaha daryeelka caruurta, Waxaana si rasmiya u daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland.
Daawo Sawirradda.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo qabatay shir looga hadlayo daryeelka Caruurta appeared first on Puntland Post.