Madaxweynaha Puntland Cabdiwali.Maxamed. Cali Gaas ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha Boosaaso xili uu safar shaqo ugu maqnaa wadamada Itoobiya iyo wadanaka isku taga imaraadka carabta kuwaas oo la xiriira kor u qaadista kabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland waxa garoonka diyaradaha Boosaaso ku so dhaweyey maamulka gobalka Bari kan dagmada Boosaaso, qaar kamid ah sarakiisha ciidamada Puntland iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.
Soo dhaweyn kadib Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa shir jaraaid ku qabtay gudaha Garoonaka diyaradaha ee Boosaaso waxaana uu ugu horayn ka hadlay Safarkii uu ku maqnaa isagoona tilmaamay in uu ugu soo dhamaaday guul.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas waxa uu ka hadlay Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug kaas oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.
Gaalkacayo waxaa laga wadaa dagaalo, dagaalkaaso oo laga soo Abaabulay Xamar, waxa ku soo duulaya oo shidada wadana waa Dawladda Federaalka Soomaaliya”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Hadalka Madxweynah Puntland ayaa ku soo beegmaya xili uu saaka markale ka bilawaday dagaal magaalada Gaalkacayo kaas oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.
Hoos ka dhagayso Hadalka Madaxwayneha Puntland
CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST ,BOOSASO
The post Madaxweyne Gaas Dagaalka Gaalkacayo Waxa laga Hurinayaa Xamar appeared first on Puntland Post.