Garowe (Puntland Post):- Shirkadda SECCCO oo u taagan magac ahaan Sollar Energy Consulting And Construction Company oo kaashanaysa Hay,adda ADRA ayaa ku qabatay Garowe kulan loogu samaynayo suuq geyn Burjikooyinka dhoobada ciida laga sameeyo, Kuwaas oo u samaysan qaab casriya, Islamarkaana loogu tala-galay inay keydiyaan ama yareeyaan isticmaalka dhuxusha iyo xaabada lagu karsado cuntada
Waxaa lagu casumay kulankan oo kazoo qeyb galay 55 qof oo ka kala socda Ganacsatada,Hay,adda ADRA,Shaaqalaha sameeya burjikooyinkan casriga ee Shirkadda SECCCO iyo Xubno ka socda Hay,adda WIRES oo dumarka ku dhiiri galisa ka shaqeynta ilaalinta deegaanka iyo ka faa,iideysiga tamarta qoraxda.
Madaxa Shirkadda SECCCO Cumar Maxamuud Irbad ayaa faahfaahin ka bixiyay faa,iidada ay bulshada u leeyihiin Burjikooyinkan casriga ee loogu tala-galay in cuntada qoysasku ku karsadaan iyo waxa ay kaga duwan yihiin kuwii horey dadku u isticmaali jireen.
Irbad ayaa sheegay inuu farqi wayn u dhaxeeyo burjikooyinkan casriga iyo kuwii horey loo isticmaali jiray Islamarkaana ay ku kala duwan yihiin xaga isticmaalka Dhuxasha,Xaabada,Nadaafada,Caafimaadka,iyo Tayadda,Islamarkaana ay yihiin kuwo hoos u dhigaya dhaqaalaha qoyska uga baxa adeega Dhuxusha iyo Cunto karinta.
Wuxuu si qoto dheer uga sheekeeyay Cumar Irbad faa,iidada iyo waxtarka ay u leeyihiin bulshada burjikooyinkan casriga,wuxuuna sheegay in lagu ogaaday midaas ka dib cilmi baaris dheer oo lagu sameeyay , Isagoona ku sheegay agabka ay ka samaysan yihiin inuu yaalo dalka gudihiisa oo aanan ahayn mid laga keenay dibadda.
Kuxigeenka Shirkadda samaysay Burjikooyinkan Eng Samatar Cumar ayaa isna sharaxaad ka bixiyay fikradda lagu sameeyay Burjikooyinka casriga ayaa sheegay inay ka danbeysay ka dib markii ay garowsadeen baahida loo qabo ilaalinta deegaanka iyo ka faa,iideysiga Tamarta .
Eng Samatar Cumar ayaa intaas ku daray inay ku fadhiyaan Burjikooyinkan casriga Cilmi dheer iyo Taariikh fog, Islamarkaana aqoon iyo juhdi badan lagu bixiyay qaabka samayskooda, Isagoona ku sheegay tayadooda mid adag oo ka cimri dheer kuwii dadku horey ay u isticmaali jireen .
Jaamac Faarax Muuse oo ah xiriiriyaha mashaariicda Hay,adda ADRA ayaa sheegay inuu bulshada wax tar badan u leeyahay barnaamijka ay ku soo saareyso Shirkadda SECCCO Burjikooyin casriya, Islamarkaana ay u aqoonsatay Hay,adda ADRA mid xal loogu heli karo dhibaatada xaalufka deegaanka.
Dhan kale dad badan oo isugu jira Haween, Ganacsato iyo Qaar ka mid ah bulshada ee kasoo qeyb galay kulankan ayaa si weyn uga faalooday faa,iidada burjikooyinkan casriga ,waxayna ugu baaqeen shacabka Sooomaaliyeed gaar ahaan kan Puntland inay u istaagaan siday uga faa,iideysan lahaayeen adeegan cusub.
Daawo muuqaalka Barnaamijka .
Sidoo kale qaar ka mid ah haweenkii horey uga faa,iideystay isticmaala Burjikooyinkan casriga ah ayaa sheegay inay ula baxeen magaca KAABE kaasoo ay ula jeedaan inay kaalin muhiim ah ka ciyaareen Burjikooyinkan casriga ee maanta lagu soo bandhigay Garowe dhaqaalihii qoyska uga bixi jiray dhuxusha iyo xaabada.
Barnaamijka lagu soo bandhigay Garowe Burjikooyin casriya oo markii ugu horeysay lagu sameeyo gudaha dalka , waxa uu qeyb ka noqonayaa barnaamij saddex sano ah oo hadda muddo labo sano ah ay waday Hay,adda ADRA, Kaasoo loogu tala-galay inuu door muhiim ah ka ciyaaro ka faa,iideysiga tamarta qoraxda iyo Yareynta Xaalufka Deegaanka.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Shirkadda SECCCO oo Garowe kusoo bandhigtay Burjikooyin casriya appeared first on Puntland Post.