Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) kadib wareegta ka soo baxday xafiiskiisa.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Jowhar ayaa sheegay in uu xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar, isla markaana uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.
Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa kula dar daarmay guddoomiyaha cusub in uu si hufan u guto waajibaadka loo idmaday.
Wareegtadan ayaa ah tii ugu horeysay ee uu soo saaro Madaxweynaha Hir-Shabeelle tan iyo markii xilka loo doortay.
PUNTLAND POST
The post Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan oo Xilkii laga Qaaday appeared first on Puntland Post.