Laba dhulgariir oo culus ayaa waxa ay ka dhaceen badhtamaha dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Macerata ee gobolka Marche.
Telefishinada dalka Talyaaniga ayaa baahiyay dhulgariirkan ku dhuftay Talyaaniga in uu bur buriyay dhismooyin badan oo ay ku jiraan kaniisado qadiimi ah oo kuyaala deegaanada ay sida xoogan ugu dhufteen dhulgariirka.
Ilaa haatan wax dhimasho ama dhaawac halis ah lama sheegin, Dugsiyada gobolka oo dhan ayaa maanta oo khamiis ah xiran.
Dalka Talyaaniga deegaano kuyaala waxaa bishii August ku dhuftay dhulgariir aad u xoog badnaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 300 oo qof.
PUNTLAND POST
The post Dhulgariiir ka dhacay Talyaaniga appeared first on Puntland Post.