Ka dib markii boqolaal dadweyne ah ay isugu soo baxeen fagaaraha ay caanka ku tahay Garowe ee Barxadda ayay eedeyn culus shacabku ugu jeediyeen Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu hurinayo colaada Gaalkacyo iyo amni darada ka dhanka ah guud ahaan deegaanada Puntland.
Banaan baxayaasha oo ku qeylinaya ereyo iyo suugaan ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dareenkoodu u muuqday mid careysan.
Waa midkii ugu horeeyay banaan baxa Reer Garowe uga hadlayaan dareenkooda ku saabsan colaada aan wali xalka loo helin ee ka jirta magaalada Gaalkacyo.
Haddaba Daawo barnaamij xiiso leh oo muuqaal ah oo PUNTLAND POST kazoo diyaarisay dareenka banaanbaxayaashii Garowe.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Daawo Dareenka Reer Garowe ka qabo Colaadda Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.