Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaas iyo Guuleed oo Dubai Ku kulmaya

$
0
0

PP-(Dubai) Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleeyno Magaalada Abu Dubai ee xarunta Dalka isku taga Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu wado in ay ku kulmaan madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Guuleed ayaa lagu soo waramayaa in ay si toos ah ay u dhax dhaxaadin doonto Dowlada Imaaraadka Carabta.

Kulankaan ayaa waxaa ay labada Madaxweyne uga hadli doonaan soo afjarida xiisadaha Colaadeed ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka noqon doono Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka.

Waxaa Dubai ku Sugan Madaxweynayaasha puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Hir-Shabelle.

Waxaa lagu Wadaa kulankaasi kadib in madaxda Maamul Goboleedyada ay kulamo ka yeesheen arimaha Doorashada Dalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Gaas iyo Guuleed oo Dubai Ku kulmaya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>