PP- (Cadaado) War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaaraya Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabadsugida Maamulka Galmudug ay goordhow si Xoog ah ku Soo furteen Haweeneey Ajaaniib ah oo ay heeysteen Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Ciidmadaan Nabadsugida ay ka war heleen in Kooxda Burcad Badeeda ay ku heeysteen haweeneeydaasi oo u dhalatay Wadanka Kenya.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in Ciidamada ay si Xoog ah oo aan dhiig ku daadan ay ku soo furteen haweeneeydaasi.
Kooxda Burcad Badeeda Soomaalida ah ayaa Muddo ku dhow labo sano Waxa ay heeysteen Haweeneeydaasi oo ay ka doonayeen Madax Furasho.
Horay ayeey Ciidamada Gal-Mudug Waxa ay Xoog ku soo furteen Muwaadin Kenyaan ah oo isgana ay heeysteen Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah.
Wali Nabadsugida Galmudug Kama hadlin Arintaasi.
Faah Faahinta Dib Kala soco Insha allah
PUNTLAND POST
The post Ciidamada Galmudug oo Xoog uga Soo Furtay Burcad Badeed Haweeney Ajnabi ah appeared first on Puntland Post.