Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay xarunta Cilmi Baarista Puntland ee magaalada Garowe shir ku saabsan Daadejinta Siyaasadda Deegaanka iyo Fulinta Sharciga Deegaanka Puntland, waxaana kazoo qeyb galay xubno ka socda maamulada degmooyinka, Wasaaradaha kala ah Amniga,Arrimaha Gudaha,Waxbarashada, Deegaanka iyo Hay,adda Care International.
Shirkan oo ay iska kaashadeen qabashadiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland iyo Hay,adda Care International, waxaana diirada lagu saarayay sidii ay gacan uga siin lahaayeen Wasaaradda Deegaanka Hay,addaha Dowlada ee kala ah Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Cadaalada Baahinta Siyaasadda iyo Fulinta Sharciga Deegaanka.
Fartuun Cismaan Cali oo ka tirsan Hay,adda Care International ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada kulankan oo hal maalin ah waxayna sheegtay inuu barnaamijkan qeyb ka yahay barnaamij hay,adda Care kala shaqeyso saddex wasaaradood oo kor loogu qaadayo Aqoontooda sidii ay ugala shaqeyn lahaayeen Wasaaradda Deegaanka fulinta sharciga iyo baahinta siyaasadda deegaanka Puntland.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo ka hadlay furitaankii kulanka ayaa sheegay inay wasaaradiisu amar ku siinayso maamulada degmooyinka Puntland sidii ay door muhiim ah uga ciyaari lahaayeen ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo fulinta sharciga iyo baahinta siyaasadda deegaanka Puntland.
Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa intaas ku daray inuu door muhiim ah barnaamijkan kusoo kordhin doono wax ka qabashada xaalada deegaanka Islamarkaana dadka loogu tala-galay inay ka qeyb qaataan fulinta barnaamijkan qalab gudoonsiin doono mustaqbalka dhow.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post “Garowe” shir looga hadlayo fulinta sharciga iyo baahinta siyaasadda deegaanka appeared first on Puntland Post.