Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Cumar Faraweyne oo baarlamanka ka codsaday in dhaqaale loo kordhiyo Gudoomiyayaal

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo shalay hadal kooban ka hor jeediyay mudanayaasha baarlamanka Dowlada Puntland ka dib furitaankii kalfadhiga 38aad ayaa ka codsaday inay u kordhiyaan miisaaniyadda dhaqaale ee ay ku shaqeeyaan Gudoomiyayaasha Gobolada Colaadu ka jirto.

“Macnaheedu ma ahan inuu dharagsan yahay Gobolka Nugaal , Laakiin haddii ay jiraan kuwo walaalaheena oo ay haystaan culaysyo dheeriya, waxaan idin ka rajaynayaa inaad ilgaar ah ku fiirisaan “ Ayuu yiri Cumar Faraweyne oo la hadlaya Baarlamanka Puntland

Waxa uu sheegay Col Cumar Faraweyne madaama uu fursad u helay inuu ka hor hadlo Kalfadhiga Baarlamanka Puntland, Islamarkaana uu si dhow uga warqabo duruufta dhaqaale iyo adeeg ee maamulada Gobolada inuu ka codsanayo Baarlamanka Puntland sidii ay ugu kordhin lahaayeen miisaaniyadda Gudoomiyayaasha Cayn,Sool,Sanaag iyo Mudug , kuwaas oo uu sheegay inay uga faa,iideysan doonaan siday ugu gaari lahaayeen socdaalo nabadgalyo deegaanadooda iyo horumarinta bulshada .

Daawo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Cumar Faraweyne oo baarlamanka ka codsaday in dhaqaale loo kordhiyo Gudoomiyayaal appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>