PP- (Kismaayo) Dawlada Kenya ayaa guulo ka sheegatay dagaal Ciidamadeeda, kuwada Xoogga Soomaliyeed, jubbaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray magaalada Afmadow ee Gobolada Jubada Hoose.
Wararka ayaa sheegya in xoogag ka tirsan Ururka Al shabaab oo watay in ka badan 10 gaari ay weerar ku qaadeen degmada Afmadow ee Gobolada Jubada Hoose ee koonfurta dalka Soomaliya.
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in Al shabaab ay weerar ku qaadeen qaybo ka mid ah magaaladaas oo uu ka mid yahay saldhiga booliska,kadibna ay iska caawiyeen ciidamada dawlada Somalia iyo kuwa jubba-land oo magaaladaas ku sugnaa.
Kenya ayaa tilmaantay in ciidamdeedu ay dagaalka ku soo biireen mar dambe islamarkaan ay bur buriyeen laba kamid ah gaadiidkii al shabaab ay weteen sidoo kalana ay kaga dishay dagaalyahno badan oo gaaraya 140-askari.
Dawlada Kenya waxaa ay sheegtay in Al shabaab dib looga saaray degmada Afmadow ee Gobolada Jubada Hoose kagadaal markii ciimada gaarka ah ee Kenya ay isku gadaameen goobihii ay ku sugnaayeen.
PUNTLAND POST
The post Dagaal Khasaare badan geeystay oo ka dhacay Afmadow appeared first on Puntland Post.