Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maydka 3 Ruux oo lagu arkay Deegaanka Buufoow

$
0
0

PP-(Marko) Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Meydadka Seddex ruux oo si xun loo dilay in saakay aroortii lagu arkay deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolkaas.

Dadka deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa markuu waagu baryay kadib  waxa ay indhahooda ku arkeen Seddexdaan  ruux ee meydadka ah ee sida xun loo dilay ee lasoo dhigay gudaha deegaankaas.

Wariye Cumar Wardoon oo ku sugan Gobolka Sh/Hoose oo  goordhaweyd aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dadkaan loo malaynaayo in loo dilay anooyin qabiil, islamarkaana uusan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolkaas.

Faah Faahinta Dib Kala soco Insha allah 

The post Maydka 3 Ruux oo lagu arkay Deegaanka Buufoow appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>