Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

London: Dowlada Ingiriiska oo xabsi ka dhisaysa Muqdisho.

$
0
0

London: (pp)- Dowlada dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday iney 14 Milyan ay ku bixinayso dhismaha Xabsi iyo maxakamad ay ka hirgalinayso gudaha dalka Soomaaliya si looga hortago waxa ay dowladda Ingiriisku ugu yeertay kooxaha Argagixisada iyo Burcadbadeeda kasoo ifbaxay dalka Soomaaliya.

Justline Greening oo ah Xog-hayaha horumarinta caalamka ee dowladda Ingiriiska ayaa sheegtey in hadafkoodu uu yahay in la helo nidaam fududeynaya qaadista dacwadaha kooxda burcad badeeda Soomaalida iyo dadka loo haysto falalka la xiriira Argagixisinimada.
Jariirada lagu magacaabo The Sandy oo kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa tiri iyada oo soo xiganeysa Justline Greening “waxaan doonaya dib u dayactirka xabsiga dhexe ee Muqdisho oo 180 sano jirsaday , waxayna midaasi sahleysaa in dad badan oo ku jira xabsiyada dalka Ingiriiska kiisaskooda ama qaadista dacwadahooda loo soo weeciyo gudaha dalka Soomaaliya”

Ujeedada Xabsiga Dowlada Ingiriisku sheegtey inay dhisayso wuxuu la xiriiraa sidii 400 boqol oo ka mid maxbiista Somalida ee ku xiran wadamo caalamka ku yaal loogu soo wareejin lahaa xabsiyeynteeda gudaha dalka Somalia.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Dowlado ka tirsan caalamka shaaciyaan inay xabsiyo iyo maxkamado ka dhisayaan gudaha dalka Somalia , iyadoona ay jirtey mashaariicda xabsiyo ku yaal Garowe,Hargeysa, iyo Qardho ay ku deeqeen dhismahooda dowladaha caalamka.

Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>