Ra’iisalwasaarihii Xukuumadii Soomaaliya sanadkii 1964-1967 Abdirizak H. Hussein ayaa sheegey inuu waafaqsan yahay wadadii ay mareen Madaxda ay ka mid yihiin Cumar C/rashiid oo Ra,isal wasaare Somalia kasoo noqdey, Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole iyo Cabdiwali Cali Gaas oo isna Ra,iisal Wasaare Somalia kasoo noqdey xilligii kala guurka ee laga gudbayey KMG-nimada Somalia.
Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen oo Wareysi siiyey Xarunta Taxliiliinta Siyaasadda iyo Cilmi Baarista ee CFPAR (Center for Policy Analysis and Research, oo ah Hay’ad Somali-American ah, ayuu C/risaaq Xaaji Tilmaamay in Somalia ay suurto gal tahay inay ku laabato Calool xumadii Muqdisho ka dhacay sanadkii 1991-dii .
Wuxuu tilmaamey inay ahayd taariikhdaasi musiibo weyneed oo aanan waligood hilmaameen ummada Soomaaliyeed, madaama Muqdisho ay ahayd magaaladii ay maalgashteen dhamaan ummada Soomaaliyeed islamarkaana laga soo ceyriyey hantidoodii iyo maalkii ay lahaayeen ayna si fudud ku hanteen mooryaan aan habeena usoo dhididin hantidaas.
Mudane C/rasaaq waxa uu tilmaamey inay ahayd natiijadii dhacdaasi ka dhalatey mid aan la dhayalsan karin oo kaliftey in Muqdisho isku rogto mid ay nooshahay hal beel , ayna ahayd sababta dhalisey maamulada ay ka mid tahay Puntland mid ka timid colaadii halkaasi ka dhacdey oo aysan hilmaami doonin dadkii laga soo barakiciyey magaalo Madaxdii Soomaalia.
Wuxuuna Yiri Isagoo Arrintaas ka hadlay:( this comes from those who affiliate with the Daarood clan. It goes back to the grievances of what happened in Mogadishu in 1991. It was a great tragedy that they will never forget; they were expelled from the city that they invested; their properties were looted, and human lives were lost. As a result, unfortunately, Mogadishu has become a place that belongs to one clan. This is why we see the notions of “Puntland and Jubbaland,” and other so-called “lands” that we hear from here and there.)
Dhanka kale Abdirisaaq waxa uu fariin u direy dadka degan Muqdisho ee ku harey ka dib barakici iyo halaagii dhacay 1991-dii , wuxuuna yiri” Reer Muqdisho, ma garwaaqsana qaladaadkii dhacay…illaa maanta aan kula hadlayana ma maqal weli qof ayaga ka mid ah oo raali gelin buuxda ka bixinaya wixii dhacay 1991-kii. Haddii aynu u baahanahy inaynu Soomaali dib isugu keenno waa in arrintan aynu ahmiyad siinnaa”
Iyadoona taas bedelkeeda ay u dhigneyd markii uu Ra,iisal wasaarihii horre ee Somalia la hadlayey Reer Muqdisho waxa uu yiri:(On the other hand, my fellow brothers who reside in Mogadishu area, I don’t think they have realized the wrongdoings that happened, and as of today, I have not heard anyone who offered a full and public apology of what happened in 1991. If we want to bring Somalia back together, this issue needs to be prioritized. In my view, if we want to keep Mogadishu as our capital, the constitution must clearly indicate that it must be like Washington DC; a federal city that its borders are known; a federal city that has federal security system; and most importantly every Somali can feel its ownership. That is the only way that Mogadishu can be seen as a capital city for Somalia. We have to be truthful to one another if we want to reach a solution)
Ugu danbeyntii Waxa uu kula taliyey C/risaaq Xaaji Huseen Dowlada Federalka Somalia in looga fadhiyo soo celinta Somali loo dhan yahay islamarkaana ay daah iska saarto daciifada iyo wadooyinka aan wanaagsaneyn ee ka dhex muuqanaya Madaxda Dowladu inay u haqal taagayaa.
Xigasho: Wareysigii ay la yeeheesheen C/risaaq Xaaji Xuseen The Center for Policy Analysis and Research
Daabacaada : Puntlandpost.com